Qarax ka dhacay Muqdisho

Askarta Dowladda Somalia oo  jooga Villa Somalia horteeda Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Askarta Dowladda Somalia oo jooga Villa Somalia horteeda goobta shaaha lagu iibiyo ee uu qaraxa ka dhacay

Qarax ayaa ka dhacay Muqdisho guriga madaxtooyada horteeda.

Inta la og yahay shan qof ayaa ku dhintay qaraxa, kow iyo tobana waa ay ku dhaawacmeen.

Alshabaab ayaa sheegatay inay qaraxa ka danbaysay.

Masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay qaraxa inuu sababay laba qof oo isku qarxiyay goob shaaha laga cabo oo kutaala guriga madaxtooyada horteeda.

Askarta dowladda ayaa goobta shaah ka cabaysay merkii labada nin ay isqarxiyeen.

Jidka u dhow madaxtooyada ayaa la dhigay askar badan, iyadoo la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka xafiisyada dowladda.