Dembiyada dagaalka Soomaaliya maxaa laga yeelayaa?

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shabaab

Dembiyada dagaalka Soomaaliya maxaa laga yeelayaa?

Maxakamadda caalamiga ah ee dembiyada ayaa toddobaadkan dembi ku heshay Thomas Lubanga Dyilo oo ah hoggaamiye malliishiya reer D. R. Congo ah.

Maxkamadda ICC waa dacwaddii ugu horreysay ee ay ku soo gunaanaddo dembiile.

Waxaa lagu helay in uu carruur dagaal geliyay.

Dacwado kale oo dhowr ah ayaa maxkamadda horyaalla.

Waxaa la is weydiin karaa dembiyada dagaal ee Soomaaliya ka dhacay, qaarkoodna weli ka socdo maxaa laga yeelayaa?

Suurta gal ma tahay in dacwad lagu soo oogo dadkii dembiyada galay? Yaa ku soo oogaya Soomaali mise ajnebi?

Goormaase laga soo billaabayaa?

Mise waxaaba ka habboon in la is cafiyo si loo gaaro dib u heshiin kama dambeys ah.

Waa mawduuca Falanqeynta ee maanta.

Ra'yigaaga ku dhiibo www.facebook.com/bbcsomali ama @twitter.bbcsomali haddii kale text message ku soo dir +44 77 86 20 50 85