Iran oo laga joojin doono inay dirto lacag

Lacagta Iran Lahaanshaha sawirka MEHR
Image caption Lacagta Iran ayaa qiimaheedii uu hoos u dhacay tan iyo intii cunaqabatayn lagu soo rogay bangiyada iyo shidaalka Iran

Hayadda Swift ee maamusha lacagta ay bangiyada adduunka isku diraan ayaa joojin doonta Sabtida in Bangiyada Iran ay diraan lacag ama loo soo diro.

Talaabadan ay qaadayso hayadda Swift ayaa loogu tala galay in lagu cunaqateeyo bangiyada Iran si Iran ay u joojiso barnaamishkeeda Nukliyeerka.

Hayadda Swift ayaa sheegtay in cadaadis badan ay saareen Maraykanka iyo Midowga Yurub, si loo joojiyo in bangiyada Iran inay lacag si electaroonic ah u helaan ama u diraan.

Madaxa Swift ayaa sheegay in talaabadan inay mid aan horay loo qaadin oo aan caadi ahayn.