AMISOM oo gaaray Gal-galato

Ciidamada AMISOM Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidanka DKM iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degaanka gal-galato

Ciidamada dowladda KMG ee Somalia oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray degaano hor leh oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Gal-galato waxay 30km u jirtaa Muqdisho, waxayna magaalada ka xigtaa dhinaca woqooyi.

Ciidamada ayaa la sheegey in ay ku hubeysnaayeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida laga soo xigtey saraakiil ka tirsan dowladda.

Ciidamadan wax iska caabin ah kalama kulmin dagaalyahanada Xarakada Al Shabab, oo horey gacanta ugu haayay aagaasi.

Waa markii ugu horreysay ee ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda ay gaaraan meel 30 km dideda ka ah Muqdisho.