AMISOM oo gaaray Gal-galato

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Maarso, 2012, 11:41 GMT 14:41 SGA
Ciidamada AMISOM

Ciidanka DKM iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degaanka gal-galato

Ciidamada dowladda KMG ee Somalia oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray degaano hor leh oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Gal-galato waxay 30km u jirtaa Muqdisho, waxayna magaalada ka xigtaa dhinaca woqooyi.

Ciidamada ayaa la sheegey in ay ku hubeysnaayeen hubka noocyadiisa kala duwan, sida laga soo xigtey saraakiil ka tirsan dowladda.

Ciidamadan wax iska caabin ah kalama kulmin dagaalyahanada Xarakada Al Shabab, oo horey gacanta ugu haayay aagaasi.

Waa markii ugu horreysay ee ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda ay gaaraan meel 30 km dideda ka ah Muqdisho.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.