Doorashada Kenya oo dib loo dhigay

Kipaki Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kipaki

Doorashada madaxtinimada dalka Kenya, ayaa muddo dhowr bilood ah dib loo dhigay, iyadoo lagu waday in ay doorashadu dalka ka dhacdo dalka bisha December ee sanadkan 2012.

Guddiga doorashooyinka ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqey in doorashada dalkaasi la qaban doono 4-ta bisha March ee sanadka 2012.

Maxkamad ku taala dalkaasi ayaa horey go'aan u gaartay in madaxweyne Mwai Kibaki iyo Raisal Wasaare Raila Odinga ay ka wada hadlaan tariikhda doorashada.

Guddomiyaha gudiga doorashada ee Kenya Axmed Isaaq Xassan, ayaa sheegay in ay taariikhda ku dhawaaqeen kadib markii ay labada mas'uul ku heshiin waayeen arrintaasi.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Raila Odinga

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa xiisad siyaasadeed ay ka taagnayd dalka Kenya oo ku aadan doorashada in la qabto bisha December ee sanadkan maadaama ay horay u dhici jirtay bisha December ee dhamaadka shan sano ee kasta kadib.

Madaxwaynaha iyo Ra'iisul wasaaraha, ayaa taariikho kala duwan doonayay in doorashadu ay qabsoonto.

Go'aanka Guddiga doorashadu, ayaa soo afjaraysa murankaas.