Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tiyaatarkii Muqdisho oo la furay

Tiyaatarkii qaranka Soomaaliya ee Muqdisho oo maanta si rasmi ah loo furay ayaa lagu qabtay tartankii ugu horeeyay ee heesaha hirgalay mudo labaatan iyo kow sano.

Furitaanka Tiyaatarka waxaa ka qayb galay madaxda dowladda oo uu ka mid yahay madaxweyne Shariif Shiiq Axmed.

Tartanka heesha hirgalay ayaa sanad walba tiyaatarka lagu qqaban jiray intii uusan Bilaaban dagaalkii sokeeye ee Somaaliya.

Tiyaatarka Muqdisho oo uu dhishay Shiinaha ayaa lagu dhigi jiray Ruwaayadaha, filimada iyo dhamaan xafladaha ugu waawayn ee wadanka.

Wuxuun tiyaatarka xarun u ahaa fanaaniinta Soomaaliya.