al Shabab oo dad qafaalatay

Wararka ka imanaya xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab ay muddo gaaban gacan ku haynta magaalada kala wareegtey kooxda Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa sida wararku sheegayaan weerar gaadmo ah ku qaadey magaalada, kadibna dagaal halkaasi ka dhacay ay magaalada kula wareegeen.

Hase yeeshee saacado kadib waxaa dib magaalada iyadoo aan dagaal dhicin la wareegey maliishiyada Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Al Shabaab saacadihii koobnaa ee ay magaalada haysteen ay qafaasheen dad rayid ah, iyo iyagoo horey u sii qaatey gawaari iyo hanti kale intaba.

Warar kalena waxay sheegayaan in dadkii ay hore u kaxaysteen ay qaarkood soo daayeen.

Warar iyana ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay iyadoon dagaal dhicin la wareegtey degaanka Diif. Degaankaasi waxaa isaga baxay oo horey u haystey kooxda Raas Kiamboni ee uu hoggaamiyo Shiikh Axmed Madoobe, oo ay taareerayaan ciidamada Kenya.

Dhowaan ayaa madaxa Al Shabaab Axmed Godane oo loo yaqaano Abuu Zubeyr, waxaa uu ku baaqey in la kordhiyo weerarrada lagu hayo dowladda KMG ee Somalia iyo kooxaha la shaqeeya.