Judith Tebbutt oo la sii daayay

Judith Tebbutt
Image caption Judith Tebbutt oo faraxsan markii la soo daayay

Judith Tebbutt oo u dhalatay Britain oo laga afduubey dalka Kenya laguna haystay lix bilood Somaaliya ayaa la sii daayay.

Judith Tebbutt waxaa haatan loo soo duuliyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ninkeedi ayaa lagu diley weerarkaasi ay lix nin ku soo qaadeen iyagoo fasax ku jooga deegaanka Kiwayu ee woqooyiga Kenya.

Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegey in shirkad amaan oo gaar loo leeyahay oo ay kireysteen reerka Tebbutt ay ku guuleysatay inay lacag bixiyaan oo la sii daayo.