Toulouse:Ciidamo ku hareeraysan nin lagu tuhunsan yahay dil

Ciidamada Farsnsiiska Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidanka Faransiiska waxaa uu ku weegarsanyahay guri ku yaalla magaalada Toulouse

Ciidamo gaar ah oo Fransiis ah ayaa ku gadaaman guri ay saraakiisha aaminsanyihiin in uu ku dhuumaaleysanaayo ninka loogu shakisanyahay in uu dad toogasha ku dilay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Fransiiska Claude Gueant ayaa isagoo goobtaasi magaalada Toulouse ku sugan sheegey in qofkaasi laga shakisanyahay in uu yahay nin 24 jir ah oo Muslim ah, oona haysta jinsiyadda dalkaasi Fransiiska.

Wasirka waxaa uu sheegy in ciidanka rasaas lagu furey markii ay ku dhawaadeen gurigaasi. Hal askari ayaa lagu dhaawacay howl-galkaasi.

Dhinaca kale, Duugta sadex ardey iyo nin wadaad ah oo lagu diley school ay leeyihiin dadka Yahuuda oo ku yaala France ayaa lagu qabtey magaalada Jeruselam ee dalka Israel.

Maydka dadkan ayaa maalinta talaadada laga qaadey dalka Fransiiska oo loo duuliyey Israel.

Dhamaan afartaasi qof waxay haysteen Jinsiyadda Fransiiska iyo tan Israel labadaba, duugtana waxaa ka qeyb-qaadan doono dad qaraabadooda ah oo ka kala socda labada dal.