Taliyihii Booliiska Somaliland oo geeriyooday

Allaha u naxariistee taliyihii booliiska Somaliland, Maxamed Saqadhe Dubbad, ayaa ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta oo daaweyn loo geeyay.

Taliyuhu wuxuu ciidanka booliiska ka tirsanaa muddo ku dhow lixdan sano, wuxuuna soo qabtay xilal kala duwan, sida uu BBC sheegay Korneyl Cumar Maxamed Nimcaale oo ay muddo dheer is yaqaanneen.

Waxaa uu ahaa Taliyaha Booliiska ee Laas Caanood 1969 markii Madaxweynihii Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarka lagu dilay magaaladaas.

Taliyuhu wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiintii meydka Madaxweynaha u qaaday Muqdisho.