Shabaab oo ka baxay Xuddur

Iyada oo aan dagaal ka dhicin ayaa ciidammada al Shabaab ay saaka ka baxeen magaalada Xuddur oo ah xarunta gobolka Bakool iyo weliba nawaaxigeeda.

Ciidammada Dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa hadda gacanta ku haya Xuddur sida uu ku soo warramay weriyaha BBC Maxamed Maxamud Dhoore.

Waxay baarayaan guryaha magaalada gaar ahaan goobihii xarumaha u ahaan jiray al Shabaab.

Lama yaqaan meesha ay u dhaqaaqeen ciidankii al Shabaab.

Hore waxaa al Shabaab looga qabsaday magaalooyinka Beled Weyne iyo Baydhaba.