EU oo weerari doonta burcad badeedda

Ciidanka badda Misowga Yurub Lahaanshaha sawirka EU Navy
Image caption Ciidanka badda Misowga Yurub

Ciidanka badda ee Midowga Yurub ee ka hawlgala Geeska Afrika ayaa loo fasaxay in ay weerar qaadi karaan.

Taas waxaa macnaheedu yahay in dhul iyo bad labada ay ku weerari karaan burcad badeedda Soomaalida.

Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in ay maraakiibtooda dagaalka ay u oggolaadaan doomaha burcad badeedda iyo keydka shidaalka ee u yaalla xeebta.

Taliyaha ciidanka badda Midowga Yurub ayaa BBC u sheegay in uu doonayo in uu carqaladeeyo nidaamka ganacsiga ah ee burcad badeedda.

Hawlgalka burcad badeed la dirirka waxaa la kordhiyay laba sano oo hor leh.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Cabdiraxman Shiikh Maxamed, ayaa soo dhoweeyay go'aanka EU.

Wuxuu ku tilmaamay in arrintaasi ay tahay wixii ay hore u waayeen cid la garata.