Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ceelbuur oo laga qabsaday Al Shabaab

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ciidamada Itoobiya oo jooha Baydhabo

Ciidammada Ethiopia iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa maanta la wareegay magaalada Ceel Buur oo afartii sano ee ugu dambeeyay al Shabaab ay gacanta ku haysay.

Ceel buur oo ah magaalo xagga biyaha iyo militerigaba u ah Straateeji, ayaa waxaa tegey taangiyo iyo baabur kale oo dagaal. Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee ahlu Shiikh Maxamed Yusuf Xeefow oo jooga magaalada Ceel Buur ayaa ku tilmaamay in ay dadku soo dhoweeyeen.