Burcad ka afduubtay markab Maldives

Burcadda Soomaalida Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Burcadda Soomaalida

Burcada soomaalida ayaa ka afduubtay markab xamuul jasiirada Maldives. Waa markii ugu horaysay ee burcada ay ka afduubaan biyaha u dhow hindiya iyo Srilanka.

Afhayeenka milatariga Maldives ayaa sheegay in markabka oo laga leeyahay dalka Iran laga afduubay kow iyo toban kilometer gudaha badda Maldives.

Markabka ayaa waxaa saaran labaatan iyo saddex shaqaale. Dowladda maldives ayaa sheegtay inay la hadlayaan ciidanka badda ee Hindiya si loo soo daayo markabka.