Syria oo aqbashay qorshaha nabada ee Koffi Annan

Koffi annan Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta u qaabilsan Syria Koffi Annan oo Shiinaha joogo si ay u taageerto qorshihiisa

Afhayeenka wakiilka Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta ee Syria, ayaa sheegay in Syria ay aqbashay qorshihii lixda qaybood ee Kofi Annnan uu ku doonayay inuu ku joojiyo dagaalka.

Afhayeenka ayaa sheegay in guusha laga gaarayo qorshaha ay ku xiran tahay sida loo hirgaliyo. Qorshe hore oo kormeerayaal ka socda jaamacada carabta ay ku doonayeen in lagu joojiyo dagaalka ayaa lagu guuldaraystay.

Shiinaha ayaa ugu baaqay kooxaha Syria inay taageeraan qorshaha nabada ee Kofi Annnan.