Nin qalliin ku heley weji cusub

Richard Lee Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Richard Lee waxaa lagu rakibey weji cusub

Nin Maraykan ah oo qalliin lagu sameeyey ayaa helay weji cusub.

Waxaa ninkani lagu rakibey ilko iyo carrab cusub, waxaana uu heley daaman.

Waa qalliinkii ugu horreeyey ee si buuxda wejiga bani'aadamka loogu sameeyo.

Takhaatiirta qalliinka ninkani ku sameeyey waxay leeyihiin xaaladiisa way ka soo reyneysaa 32 saacadood oo qalliin ah ka dib.

Ninkani oo lagu magacaabo Richard Lee, ayaa go'doon ahaa tan iyo intii ay suuradiisa baddalantay kadib markii ay xabad ku dhacdey 15 sano ka hor.

Waxaa la sheegey in ninkani markii ugu horreysey ee uu wajigiisa cusub muraayadda ka arkey uu isku duubey takhtarkii madaxa u ahaa kooxda qalliinka ku sameysay.