Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakac ka bilowday Ceelasha-Biyaha

Lahaanshaha sawirka Getty

Qulqul xoog leh oo dadwayne ayaa ka bilowday deegaanka Ceelasha-Biyaha oo ay deganaayeen boqolaal kun oo dadwayne ah oo horay uga barakacay dagaalada Muqdisho.

Boqolaal qoys oo isticmaalaya noocyada kala duwan ee gaadiidka ayaa bilaabeen in ay u soo kicitimaan Muqdisho, iyagoo ka faa'iidaysanaya hakad ku yimid dagaalada. Waxaa halkaas gaarayay madaafiic ay ciidamadu ku ridayeen aagaga xarakada al-Shabaab ee al-Qaeda ka tirsan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Maxamed Maxamuud Dhoorre, ayaa sheegay in ciidamada AMISOM oo shalay sheegan in ay dagaal kula wareegeen qaybo ka mid ah degmada Deyniile.

Rasaas goos goos ayaa hadda laga maqlayaa goobihii shalay lagu dagaalamay.

Garoonka diyaaradaha Deyniile oo afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM sheegay in ay qabsadeen ayaa waxaa hadda soo baxaya in wali ay haystaan Xarakada al-Shabaab.

In ka badan sodon qof ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay Deyniile.