Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Safiirka Soomaaliya ee Tripoli

Lahaanshaha sawirka none

Boqolaal Tahriibayaal isku dayaya in ay badda soo galaan oo ay u soo gudbaan Europe ayaa lagu xiray xabisyo ku yaalla Libya.

Waxaa dadkan laga soo qabqabtay gudaha Libya iyo badda dhexdeeda iyagoo doomo saaran.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli, Abdiqani Wacays, ayaa BBC u sheegay in ilaa sadex kun oo Soomaali ah ay hadda ku sugan yihiin Libya.

Dadkan ayuu sheegay in aysan safaaraddu waxba u qaban karin oo ay xabsiyo iyo dhibaatooyin kaleba mutaan.