Doorashada baarlamaanka Burma

Hogaamiyaha mucaaradka Burma Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha mucaaradka Burma Aung San Suu kyi

Hogaamiyaha mucaaradka Burnma Aung San Suu Kyi ayaa qudbad u jeedisay taageerayaasheeda, iyadoo sheegtay inay rajaynayso guushii adkeed ee uu xisbigeedu ka gaaray doorashada baarlamaanka inay u tahay waqti cusub Burma.

Wali natiijada si rasmi ah looma sheegin laakiin xisbiga Aung San Suu Kyi ayaa qaba kalsooni inuu helay afartan iyo saddex kursi.

Aung San Suu Kyi oo ka hadlaysa xarunta xisbigeeda atyaa sheegtay in xisbigeeeda NLD uu heshiis la gali doono xisbiyada kale.