Shir looga hadlaayo Mali

Urur goboleedka galbeedka Afrika ECOWAS ayaa ku soo rogay cuna qabatayn dhaqaale iyo mid dimlomaasiyadeed dalka Mali, kadib markii ciidamo gadooday ay xukunka la wareegen toban maalmood ka hor.

Mali ayaa xuduudaha laga xirtay bangigii dhexe ee gobolkana galbeedka Afrika wuxuu ka gooyay Mali xiriirkii.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ciidanka Mali ee xukunka la wareegay ayaa sheegay inay soo celinayaan dastuurka iyo hayadaha dowladda

Hogaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa sheegay in cunaqabataynta ay jiri doonto ilaa dastuurka la soo celiyo.

Waxay sheegeen inay diyaarinayaan ciidan gobol oo gala wadanka si ay xaalada mali wax uga qabtaan. Mucaaradka Tuareg ayaa maalmihii ugu danbeeyay qabsaday waqooyiga mali.

Mucaaradka Tuareg ee Maali ayaa sheegay inaysan doonayn inay u gudbaan koonfurta oo ka gudbaan waqooyiga oo ay isku dayayaan inay ka sameeyaan maamul.

Mucaaradka oo doonaya madaxbanaani ayaa la wareegay shalay Timbuktu oo ah meeshii ugu danbaysay ee uu milatariga ku xooganaa.

Hogaamiyaha milatariga xukunka la wareegay ayaa balanqaaday inay soo celinayaan dastuurkii wadanka iyo hayadihii dowladda.