USA: Qaado $10m haddaad qabato Hafiz Saeed

Taj Mahal Hotel ayaa ka mid ahaa goobihii la weeraray Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Hoteelka Taj Mahal ee Mumbai ayaa ka mid ahaa goobihii la weeraray.

Mareykanka ayaa ballanqaadey inuu siin doono 10 milyan oo dollar ciddii gacanta ku soo dhigta nin la rumeusan yahay inuu ka dambeeyey weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka India, sannadkii 2008.

Hafiz Mohammad Saeed oo ah aasaasihii koox haatan la mamnuucey oo magaceeda la yiraahdo Lashkar-e-Taiba, waxaa uu haatan hoggaamiya koox cusub oo ka dhisan dalka Pakistan.

Lacagta madaxiisa la dul dhigey waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqey kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Wendy Sherman, oo booqaneysa India .

Jill McGivering ayaa eegaya kaalintiisa iyo saameynta uu ku leeyahay dhaqdhaqaaqyada gobolka.

Muddo dheer ayuu Hafiz Saeed ahaa mid ka mid ah dadka loogu raadis badan yahay dalka India.

Waa professor hore wax uga dhigi jirey jaamacadaha, waxaana uu sideetamaadkii dalka Pakistan ka dhisey koox dagaalyahan ah oo magaceeda la yiraahdo Lashkar e Taiba , isagoo door weyn ka cayaarey qorsheynta hawlaha milateri ee ururkaasi ka fuliyey degaanada Jammu iyo Kashmir labaatankii sano ee xigey.

Ururkiisa waxaa cadaadis weyn uu kaga yimid weerarradii ba'naa ee lagu qaadey baarlamanka India dhamaadkii sannadkii 2001.

India waxay ku eedeysey ururka uu hoggaamiyo Saeed inuu ka dambeeyey weeraradaas, taasina waxay keentey in Pakistan ay mamnuucdo kooxdan.

Mar kale Saeed waxaa uu ku soo baxay madaxa koox cusub oo la yiraahdo Jamaat ud Dawa.

Waxaa uu ku dooday in ururka uu yahay mid gargaarka ka fidiya dhulka miyiga.

Laakiin India waxay ku tilmaantey inuu yahay urur ku hawlan dhaqdhaqaaqyo mileteri.

Waxay saraakiisha India sheegeen inuu abaabuley dilalkii ka dhacay Mumbai 3 sanno ka hor.

Waxaa uu beeniyey inuu ku lug lahaa falkaas.

Shacabka India waxay badankood ka careysan yihiin in Saeed uu si aan gambasho lahayn uga hawlgalo Pakistan, isaga oo wareysiyo siinaya saxaafadda, kana qeybgala mararkla qaar bannaanbaxyo looga soo horjeedo India iyo siyaasadda Mareykanka.

Waxaa muddo dheer jirey eedeymo sheegaya in xubno ka tirsan ciidamada sirdoonka Pakistan ay ku xiran yihiin, taageero hoosena ay siiyaan Saeed.