Xabadjoojinta Syria

Dagaalada Syria Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalada ka socda Syria ayaa sii kordhay inta aan la gaarin waqtiga xabad joojinta loo qabtay ee Talaadada danbe

Wakiilka Qaramada Midoobay iyo jaamacada carabta ugu qaabisan Syria Koffi Annan ayaa sheegay inuu filayo in dagaalka Syria uu joogsado fartan iyo siddeed saacadood gudahood talaadada soo socoto.

Afhayeenka koffi annan ayaa sheegay in ciidamada dowladda loo baahan yahay inay ka baxaan magaalooyinka, kadibna ay dagaalka labada dhinac ay joojiyaan Talaadada danbe.

Waqtiga loo qabtay in dagaalka lagu joojiyo ayaa qayb ka ah qorshaha nabada ee Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta.

Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa sheegay inuu aqbalay xabad joojinta, laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska a Allain Juppe ayaa sheegay in madaxweyne assad uu qiyaamayo qof walba oo uusan aaminsanayn in qorshahan uu shaqaynayo.

Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in qaxootiga ka imaanaya Syria uu kordhay maalmihii ugu danbeeyay.

Magaalada Reyhanli ayaa wararka ay sheegayaaan inay soo galeen kun qof.

Kooxaha xaquuqda biniaadanka ayaa sheegay in dagaalka uu sii kordhayo waqooyiga Syria.

In ka badan labaatan kun oo reer Syria ah ayaa ilaa hada u cararay dalka Turkiga.