Xildhibaan Mowliid Macaan oo Nairobi ku dhintay

Lahaanshaha sawirka a

Ra'isul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa waxa uu ka hadlay geerida xildhibaan Mowliid Macaani Maxamed iyo Feysal Xaji Cilmi oo ka tirsanaa xafiiskiisa .Labadaba waxa ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka qaranka. Dhaawacooda waxa shalay loo qaaday magaalada nairobi halkaas oo ku geeriyoodeen.

Wariyaha BBC ee Muqdishio maxamed Maxamuud Dhoore ayaa ka wareystay raisul wasaaraha geerida xildhibaanka iyo xubinta ka tirsanaa xafiiskiisa.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hadaba dadka aadka u yaqiin ,qaraabadana ay ahayeen Xildhibaan Mowliid Macaan waxa ka mid ah Saalax Fulaal Xaaji ,isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ayuu qadka telefoonka iigu waramay waxana aan weydiiyay waxii uu ka yaqiin Mowliid Macaani Maxamed.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka ku dhintay qarixii Tiyaatarka ayaa hadda tiradoodu gaaraysaa ilaa 12.