Dagaalka Syria oo wali socda

Dagaalka Syria
Image caption Dagaalka Syria ayaa sii socda inkastoo maanta ay tahay waqtigii loo qabtay labada dhinac xabad joojin.

Dowladda Syria ayaa sii wada dagaalka ay kula jirto dadka ka soo horjeeda dowladda inkastoo ay balanqaadeen inay ciidamadooda ka saarayaan maanta meelaha ay dadka degan yihiin.

Mucaaradka ayaa sheegay in madaafiic lagu soo weeraray magaalada Homs iyo tuulooyinka gobolka Aleppo.

Qaxootiga Syria ee u cararay dalka Turkey ayaa sheegay in lagu soo weeraray helickobtaro.

Ma jiraan calaamado muujinaya in in dowladda ay fulinayso xabad joojinta. Inta aan la gaarin waqtiga xabadjoojinta ayaa waxaa kordhay dagaalka.Shalay ayaa dagaalkii ugu wayna auu dhacay wuxuuna dagaalka soo gaaray dalkaxuduuda dalka Turkiga.