Burcad ay qabteen ciidamada Denmark

Burcad la qabtay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burcad la qabtay

Ciidanka badda ee Danishka ayaa sheegay inay joojiyeen doon burcad ay leedahay xeebta Soomaaliya agteeda.

Waxay ciidanka sheegeen inay xireen lix iyo toban burcad Soomaali iyo inay badbaadiyeen kow iyo toban qof oo u dhashay Iran iyo Pakistan.

Warbixin ay soo saareen ciidanka ayaa sheegtay in aan qofna ku dhaawacmin howlgalka.

Baarayaasha ayaa isku dayaya siday u dacwayn lahaayeen burcada la tuhunsanyahay oo doonta kaluumaysiga afduubay bil ka hor