Sudan iyo Koonfur Sudan oo dagaal ka digay

Shidaalka Sudan
Image caption Shidaalka Sudan

Madaxweynayaasha Sudan iyo koonfurta Sudan ayaa u digay dadkooda in dagaal u dhaxeeya labadooda wadan uu iman doono.

Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir ayaa ku eedeeyay Koonfurta Sudan inuu doortay jidkii dagaalka oo fulinaayo amar dowlado shisheeye, kadib markii ay maalisku dagaaleen xuduuda lagu muransan yahay.

Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir ayaa ugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka inay isku diyaariyaan dagaal. Madaxweyne Kiir ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu askar u diro gobolka kale ee shidaalka leh ee Abyei. Wuxuu sheegay inuusan dagaalrabin inuu la galo sudan laakiin lasoo weeraray koonfurta Sudan ayna is difaacdo.

Madaxweynaha Sudan Cumar Al Bashiir ayaa sheegay in Koonfurta Sudan ay dooaraty wadadii dagaalka iyadoo fulinaysa amar dowlado shisheeye.

Shalay Sudan ayaa Sheegtay inay ciidamadeeda gaynayso xuduuda si ay u soo cesheto saldhigeeda Heglig ee shidaalka oo ah meesha ay ka hesho kala bar shidaalka Sudan.