Syria oo xabad joojin ka dhaqan gashay

Image caption Xabad joojintu waxay ku timid qorshaha nabadda ee Kofi Annan

Xabad joojin u dhexeysa dowladda Syria iyo mucaaradka ayaa dhaqangashay. Waxa ay u muuqataa in 99 boqolkiiba ay xabadjoojintu jirto dalka oo dhan, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in la maqlay hub culus oo meelaha qaar ka dhacaya kadib xabad joojintii.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha ayaa soo dhaweysay go'aanka Syria ee xabad joojinta o ay ugu yeetay tallabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca in xal siyaasadeed la helo.

Xoghayaha arimaha dibedda ee Britian, William Hague ayaa sheegay inuu Qaramada Midoobay ka baadigoobi doono cunaqabteyn adag haddii xabadjoojintu socon weyso.