Cayaaraha England Premier League

Lahaanshaha sawirka PA

Cayaaraha Premier League waxay marayaan heer xiiso badan oo gabagabo ah.

Kooxaha qaar waxaa u hara afar cayaarood oo kaliya, qaarna shan cayaarood.

Swansea waxay ku jirtaa meel dhexda u dhow dhinaca kala horaynta dhibcaha, balse Blackburn ayaa koox kaliya ka hoosaysaa oo halis ugu jirta afar cayaarood kadib in ay ka mid noqon doonto kooxaha xilliga soo socda ka hara tartankan.

Swansea waxay ku quusisay Blackburn oo ay ahayd cayaartan in ay badiso 3-0.

Kooxda Man City 6-1 ayay kaga badisay Norwich, sadex ka mid ah waxaa u dhaliyay Tevez.

Kooxaha Sunderland iyo Wolves 0-0 ayay ku kala baxeen.

West Brom 1-0 ayay QPR uga badisay.