Dowladda oo Guddi magacawday la xaajooda Somaliland

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxwaynaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay guddi heer wasiir ah oo la xaajooda Somaliland.

Madaxwaynaha, ayaa shaaciyay warkan ka hor intii uusan u dhoofin magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Waxaa guddigan hogaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga. Cabdisamad Macalin Maxamuud, waxaana uu ka kooban yahay ilaa shan wasiir oo lagu soo dhisay 4.5.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin ilaa hadda meel u calaamadaysan in shirku uu ka dhaco.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka hadlay guddiga wasiirada ah ee ka qaybgala wadaxaajoodka Soomaaliya iyo Somaliiland.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa ka hadlayay maanta shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye yuu ku yeeshay magaalada Hargeisa.

Madaxwayne Siilaanyo, ayaa sheegay in shirku uu ka dhacayo magaalada London, isagoo ku tilmaamay mid guul u ah Somaliland.

Shirkii London, ayaa go'aanada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in Somalia iyo Somaliland ay ka wadahadlaan aayahooda iyo jiritaanka Somaliland.