Qaraxyo ka dhacay Garbahaarey

Gobolka Gedo Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Gobolka Gedo

Saddex qof ayaa dhintey, 10 kalena waxay ku dhaawacmeen, kadib qaraxyo ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Qaraxyadaasi oo ahaa ilaa afar, ayaa midkii ugu horeeyey waxaa uu ka dhacay goob maqaayad ah, waxaana xigey saddex kale oo goobaha lala beegsadey ay ku jirtey suuqa magaalada.

Saraakiisha dowladda KMG ee Somalia ayaa sheegey in qaraxyadan oo dhamaan ka dhacay bartamaha magaalada ay ahaayeen miino dhulka la geliyey.

Afar ka mid ah dadka dhaawacmey ayaa xaaladooda laga deyrinayaa, waxaana firirka dhagxaanta ay gaarayeen goobo ka fog halka uu qaraxa ka dhacay.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambaysay qaraxyadan, hase yeeshee Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan, oo ku sugan magaalada, ayaa BBC u sheegey in qaraxyadan ay ahaayeen weeraro argagixiso.

Waxaa uu intaa raaciyey in dhowr qof oo laga shakisan yahay la soo qabqabtey, kuwaas oo haatan uu baaritaan ku socdo.

Magaalada Garbahaarey waxaa gacanta ku haya ciidamada DKMG, iyadoo bilihii dhowaa ay weeraro kala kulmayeen xoogagga Islaamiyiinta e Xarakada Al Shabab.