Ibori oo lagu xukumay 13 sano xarig

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption James Ibori waxa uu lacag malaayiin ah lunsaday intii uu guddoomiyaha ka ahaa gobolka Delta ee Nigeria

Nin horey dukaan uga shaqeyn jiray London, markii danbena noqday guddoomiyaha mid ka mid ah gobolada ugu qanisan Nigeria, ayaa lagu xukumay Britain, danbi ah inuu lacag lunsaday.

James Ibori ayaa qirtay inuu xaday lacag ku dhaw 8 milyan oo dollar, oo uu ka dhacay gobolka shidaalka qaniga ku ah ee Delta, si uu ugu noolaado nolol raaxo.

Waxaa maxkamad ku taal London ay ku xukuntay 13 sano oo xarig ah, halkaasi oo uu ka iibsaday tiro guryo ah, oo uu ku jiro mid ku kacaya saddex milyan iyo bar dollar, oo uu ku bixiyay lacagta caddaan.

Mr Ibori ayaa waxa lagu xiray magaalada Dubai isagoo markaasi isku dayay inuu iibsado diyaarad, kadibna waxaa loo soo dhiibay Britain.