Taliye Libyan ah oo dacweynaya UK

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Abdulhakim Belhadj waxa lagu wareejiyay ciidankii ammaanka ee Colonel Qaddaafi

Qareenno matalaya taliyaha ciidamada Libya ee magaalada Tripoli ayaa waxay dacwad ku soo oogaya Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda ee Britain, Jack Straw, oo lagu eedeeyay inuu amray in lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Colonel Qaddaafi.

Abdulhakim Belhadj ayaa sheegay in isaga iyo xaaskiisa si sharci darro ah in CIA uga qaaday Britain oo la geeyay Libya, xilligaasi oo Mr Straw uu xafiiska ka talinayay.

Waxa uu bilaabay dacwad bishii December, waxaana BBC oggaatay in waraaqaha uu ku qoran yahay shaqsi ahaan Mr Straw.

Mid ka mid ah qareenada Mr Belhadj ayaa sheegtay in Jack Straw uu qirto waraaqaha oo u muuqda inuu saxiixay in Belhadj lagu wareejiyo Libya.