ICC oo faraha ka qaadeysa Saif al Islam

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saif al Islam waxa la qabtay bishii November 2011

BBC ayaa oggaatay in maxkamadda caalamiga ee dambiyada inay iska dhaafi doonto dalbashadeeda in ahayd in lagu soo wareejiyo wiilka hogaamiyihii hore ee Libya Saif Al Islam Gaddafi.

Sida laga soo xigtay saraakiil ku dhaw arrinta ayaa sheegay in laga gaarayo heshiis ah in la xiro dacwaddaasi oo Mr Gaddafi maxakamad lagu saaro Libya gudaheeda, iyada oo maxkamadda Hague ay kor kala socon doonto.

Dowladda KMG ah ee Libya ayaa diiday inay ku wareejiso Mr Gaddafi maxkamada caalamiga ee Hague, halkaasi oo loo heysto dacwado la xiriira dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada.

Muammar Gadafi wiilkiisa weyn ayaa la xiray bishii November waxaana haya maliishiyo ka soo jeeda gobolka Zintan ee Libya.

Dacwad oogaha maxakmada Hague, Luis Moreno Ocampo ayaa toddobaadkan laga filayaa inuu tago Libya.