Somaliland oo diidday ergada Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dr Maxamed Cabdullaahi Cumar, wasiirka arrimaha dibedda Somaliland

Dowladda Somaliland ayaa qaaddacday wadahadal beryahan laga dhursugayay oo dhex mari lahaa dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo BBC u warramay ayaa ku tilmaamay in sababtu ay tahay laba xubnood oo Puntland ka socda kana soo jeeda degaanka Somaliland.

Hore ayaa Somaliland u magacawday Guddika kooban 5 Wasiir oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Dowladda Soomaaliyana waxay magacawday Guddi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka kooban 7 xubnood oo isugu jira 5 Wasiir oo TFG ah iyo laba Wasiir oo Puntland ah.

Labada Xubnood ee Puntland ayaa ka soo jeeda Sool iyo Sanaag, oo ay Somaliland u aragto gobollo iyada ka tirsan.

Somaliland waxay hadda sheegtay laba sababood oo ay ku diidday tahay wadahadalka in ay la gasho ergada 7-da ah ee metalaya Soomaaliya.

Midda hore waxay ku tilmaantay in aanay dooneyn in ay maamul goboleedyo la gasho wadaxaajood, inkasta oo Wasiirku uu ka afeeftay oo sheegay in uu xushmad u hayo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Tan labaadna waxay ku sheegtay in ay tahay in ay wadahadlaan Koofur iyo Woqooyi sidii la ahaa intii aan la midoobin kowdii July 1960.

Wasiirka Somaliland wuxuu u dhigay in dad reer Somaliland ah lagu soo daro ergada Soomaaliya in ay tahay mid loola dan leeyahay in arrimo u gaar ah Somaliland ay hareeyaan wadahadalka.

Waxay sheegtay Somaliland in ay weli daneyneyso in ay wadahadal la gasho dowladda Soomaaliya.

Sidaa darteed waxay ugu baaqday Madaxweyne Shiikh Shariif in aanuu carqaladeyn wadahadalka oo uu ergadiisa u dhigo qaab ay Somaliland hor fariisan karto.