AMISOM oo mar kale qabsatay Dayniile

AMISOM waxay sheegatay in ciidamada Burundi ay hawlgal militeri ka sameeyeen aagga Dayniile ayna qabsadeen garoonka dayaaradaha ee Dayniile.

Bishii March 30keedii ayay AMISOM hore ayay u sheegatay in ay qabsatay Dayniile oo weliba garoonku ku jiro, laakiin sheegashadaas ka dib ayaa al Shabaab ayaa weriyayaal geysay garoonka si ay u muujiso in aan AMISOM joogin meesha.

Taliye xigeenka AMISOM, Sarreeye Guuto Audace Nduwumunsi, ayaa sheegay in qabashada garoonka dayaaradaha ee Dayniile ay qeyb ka tahay hawshii ay beesha caalamku u xil saartay AMISOM oo ah in ay Soomaaliya nabadeyso si ay dadkeedu u doortaan dowlad ah nooca iyaga anfacda.

Wuxuu ku tilmaamay tallaabada maanta AMISOM ay ku dhaqaaqday in ay soo dhoweyneyso himiladaas.