Cayaaraha England Premier League ee Sabtida

Lahaanshaha sawirka Getty

Arsenal iyo Chelsea waxay ku wada cayaarayaan garoonka Emirates.

Waxay labada koox ka mid yihiin kuwa u tartamaya booska 4-aad ee loogu gudbayo tartanka Europe Champions League.

Balse labada kooxda waxaa u dhaxeeya Tottenham iyo Newcastle oo Chelsea min dhibic ka horeeya.

Chelsea oo hadda ku jirta tartanka Champions League, waxay todobaadkan 1-0 lugtii hore kaga badisay kooxda Barcelona, is arag labaad ayaa u haray labada koox.

Arsenal waxay leedahay 65 dhibcood, halka Chelsea ay ka leedahay 58 dhibcood.

Eber iyo eber ayay labada koox qaybta hore ku kala nasteen.

Cayaaraha kale ee maanta dhacay waxay dhexmarayaan:

Aston Villa V Sunderland, Blackburn V Norwich, Bolton V Swansea, Fulham V Wigan, Newvastle V Stoke iyo cayaarta dambena waxaa ku kulmaya QPR iyo Tottenham.