Burburka diyaaradda Pakistan

Lahaanshaha sawirka AFP

Dadka baaraya shilkii diyaaradda Boeing 737 ayaa ururinaya waxyaabihii ka haray burburka diyaarada.

Waxaa diyaaraddu ay burburtay markii ay ku dhawaatay caasimadda Pakistan ee Islamabad shalay galinkii danbe.

Waxana ku dhintay boqol iyo labaatan iyo todobo ruux .

Sanduuqa madow ee duuba macluumaadka la xiriira duulimadka ayaa la helay.

Waxaa diyaaradda haleelay duufaan xoog badanm, iyadoo damacsan in ay cagadhiagto garoonka diyaaradaha Islamabad in ay cagadhigato.

Warar aan la xaqiijin, oo laga helay dad goobjoogayaal ahaa, ayaa markii hore waxa ay sheegayeen in diyaaradda uu dab qabadsaday.

Hase yeeshee, waxaa soo baxaya su'aalo la xiriira cimriga dheer ee ay diyaaraddu jirtay

Ehelada dadkii ku dhintay diyaaradda burburtay, ayaa iyaga oo tiirraayeysan booqanayay isbitaalka ugu weyn Islamabad oo meydadka la dhigay.