China oo laba Sudan baaq nabad u jeedisay

Image caption Hogaamiyaha Koonfurta Sudan waxa uu wada hadal u joogaa China

China ayaa ugu baaqday labada Sudan inay xakameeyaan colaadda, iyadoo hogaamiyaha koonfurta Sudan uu ku eedeeyay dalka deriska ee Sudan inay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah dalkiisa.

Telefishinka qaranka ee China ayaa ka soo xigtay Madaxweynaha Hu Jintao oo sheegaya in labada waddan uu u rajeynayo inay dootaan nabad iyo xushmeyn midba kan kale.

Hogaamiyaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, ayaa jooga Beijing oo uu wada hadal kula leeyahay madaxda dowladda China.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa ku booriyay hogaamiyeyaasha Sudan iyo Koonfurta Sudan inay joojiyaan wax u keeni kara iska hor imaad hor leh, oo ay ku soo laabtaan wada xaajood sida ugu dhaqsaha badan.

Mr Ban ayaa cambaareeyay weerarka diyaradaha dagaalka Sudan ay ku qaadeen suuq ku yaalla magaalaa Bentiu ee Koonfurta Sudan Isniintii.

Laakiin Danjiraha Sudan ee Qaramada Midoobay (Daffa-Alla Elhag Ali Osman) ayaa ku eedeeyay Koonfurta Sudan inay ku soo gardarootay, waxaana BBC uu u sheegay in dalkiisa uu leeyahay xaq walba uu isku difaaco.

Axaddii ayaa Koonfurta Sudan ay sheegtay inay ciidankeeda kala baday goobta shidaalka laga qodo ee Hejlij, oo ay heysatay in ku dhaw laba toddobaad.