Qarax ka dhacay magaalada Dimishiq

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kormeerayaasha ka socda Qaramada Midoobay

Telefishin dowladda taageersan oo ku yaalla Syria ayaa sheegay in qarax bam oo baabuur loo isticmaalay uu ka dhacay bartamaha magaalada Dimishiq.

Waxa uu sheegay inugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen bamka, kaasi oo ay ku eedeeyeen aragagxiso hubeysan.

Iskudhacyo ayaa sidoo kale lagu soo warramay u dhexeeya ciidanka dowladda Syria iyo dagaalyahaniinta mucaaradka meelo kale oo ka tirsan Dimishiq ee daafaha Douma.

Kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay dileen ku dhawaad 70 qof Isniinti, oo inta badan lagu dilay magaalada Hama.

Ergayga gaarka ah ee Syria u qaabilsan QM iyo jamacadda Carabta -- Kofi Annan -- ayaa maanta halka ay mareyso xaaladda kormeerayaasha uga warrami doona Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Afhayeenka kooxda QM ee korjoogtada ah -- Neeraj Singh --ayaa sheegay in korjoogayaasha militeriga ee QM ay hawshooda ka wadaan magaalada.