Charles Taylor oo lagu helay dambi

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Charles Taylor waxa la xiray sanadkii 2006 oo loo soo wareejiyay Hague

Madaxweynihii hore ee waddanka Liberia, Charles Taylor, ayaa maxkamadda caalamiga ee the Hague waxay ku heshay danbi ah inuu gacan siinayay, isla markaana dhiiri gelinayay jabhaddii Sierra Leone ee (RUF) intii lagu guda jiray dagaalkii sokeeye.

Waxa lagu helay danbi ah inuu si joogto ah hub iyo saanad u siinayay jabhadda.

Dagaalkii Sokeeye ee Sierra Leone waxa waday jabhado, dadka si xun u dilayay, burburinayay magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Dacwad oogaha waxa uu sheegay ninka aabaha u ahaa ololahaasi aragagixo inuu ahaa Charles Taylor oo xilligaasi ahaa Madaxweynihii Liberia.

Laakiin 2006 ayaa la xiray Charles Taylor oo la geeyay the Hague si maxkamad loo saaro. Waa mar walba uu beeniyaa inuu hubeeyay jabhadii la dagaallamaysay Sierra Leone.

Dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in Charles Taylor, ujeedadiisu ahayd inuu ka macasho dheemanka Sierra Leone.

Gabadha Modelka ee Naomi Campbell ayaa loogu yeeray inay caddeyn bixio. Waxaa lagu eedeeyay inay ka qaadatay dheeman xaaska Taylor mar ay ku kulmeen xaflad samafal o uu martigeliyay Nelson Mandela 1997.

Naomi Campbell waxa ay maxkamadda u sheegtay in aanay ogeyn halka ay ka yimaaden dhagxaanta yar ee wasakhda badnaa. Waxaana xaaska Taylor ay sheegtay in ay been tahay in marna aanu ka ganacsan hub ee dheemanka.

Kooxda u doodeysa waxay sheegtay in hogaamiyaha hore ee Liberia ay shirqool siyaasadeed ku sameeyeen dalal reer galbeed ah, kuwaasi oo ka hortagaya in Charles Taylor uu ku laabto awoodda galbeedka Afrika.