Murdoch oo caddeymo bixinaya

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Rupert Murdoch waxa uu leeyahay mid ka mid ah shirkadaha warbaahinta caalamka ugu waaweyn

Madaxa mid ka mid ah shirkadaha saxaafadda ee ugu awoodda badan adduunka, Rupert Murdoch, ayaa bilaabay inuu cadeymo ka hor bixiyo guddi British ah oo baaraya hab dhaqanka iyo anshaxa saxaafadda iyo xiriirkii uu la leeyahay Murdoch siyaasiyiinta.

Shalay ayaa Xoghayaha Dhaqanka ee Britain, Jeremy Hunt, waxa uu diiday inuu is casilo kadib markii guddiga uu dhageystay inuu taageeray dadaalkii Mr Murdoch uu ku doonayay inuu guud ahaan la wareego shirkadda warbaahinta ee BSkyB.

Waxaa la soo bandhigay E-mails muujinaya xiriirka u dhexeeyay shirkada Rupert Murdoch ee News Corporation iyo xafiiska Mr Hunt.