Qarax ka dhacay Syria

Qarax Idlib Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dhisme qaraxu burburiyay

Laba qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay magaalada Idlib ee dalka Syria.

Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku dhintay, oo ay ka mid yiin dad ammaanka ka shaqeeya.

Telefishinka Qaranka ee Syria wuxuu ku tilmaamay in uu weerarku ahaa dad is qarxiyay.

Wuxuuna Telefishinku soo bandhigay burbur gaaray dhismayaal dhowr ah, dad argagaxsan iyo dhiig daadsan.