Dambi lagu helay burcad-badeed Soomaali ah dalka Maraykanka

Lahaanshaha sawirka AFP

Xaakimka maxkmad ku taallla dalka Mareykanka, ayaa ku heshay nin Soomaali ah danbi burcad badeednimo iyo doorkii uu ka qaatay afduubka doon Maraykanku leeyahay iyo markab ganacsi oo Jarmalku lahaa kuwaas oo marayay xeebaha Afrika.

Afar mareykan ah, oo la socday doonta, ayaa dhintay markii markab dagaal oo uu Mareykanku leeeyahay uu weeraray burcad badeedda si uu u soo furtay dadka Maraykanka ah ee la afduubay.

Mohamed Saylac Shibin, ayaa waxa uu ahaa qofkii u kala dab qaadayay gorgortanka la heystayaashsa labada weerar waxana markii danbe gacanta ku dhigay ciidamada Maraykanka iyo xubno FBI-da ka tirsan si Mareykanka dacwad loogu qaado.

Maxkmadda gudaheeda, ayaa waxaa ninkaas lagu tilmaamay burcad badeedkii ugu darajada sareeyay ee abid cadaadda la horgeeyo.