Labaatan lagu dilay Qaahira

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhintay isku dhaca maanta

Ciidamada ammaanka Masar ayaa joojiyay rabshado ka dhacay Qaahira, kadib markii kooxo ku hubeysan dhagxaan iyo bambooyin gacanta lagu sameeyay ay ku dileen ugu yaraan 20 qof dad ku mudaharaadayay banaanka wasaaradda gaashaandhiga ee Masar.

In ka badan boqol qofood ayaa lagu dhaawacay, dadka mudaharaadayay ayaa waxa la weeraray waaberigii, markii ay xero ka sameysteen banaanka wasaaradda iyaga oo ka mudaharaadaya ka reebidda (Hazem Abu Ismail) laga reebay tartanka doorashooyinka.

Dadkan dhar cadka ah ee weerarka qaaday ayaa hadda sameeyay goobo ay ku celinayaan dad kale oo banaanbaxay inay yimaadaan halkaasi.

Weriyaha BBC ee Cairo ayaa sheegaya in uu jiro shaki xooggan oo ah in weerarada ay sameeyeen kooxo ay soo kireysatay dowlada.