Boko Xaaraam oo soo saaray video

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weerarrada Boko Xaaraam ee Nigeria waxa ku dhintay dad badan

Kooxda Islaamiga ee waddanka Nigeria Boko Xaraam ayaa soo saaray video muujinaya weerarkii is qaxin ahaa oo toddobaadkii hore ku qaadeen xafiisyada wargeys weyn oo ka soo baxa magaalada caasimadda ah ee Abuja.

Muuqaalka oo la soo geliyay internet-ka ayaa waxa uu ku hanjabayaa in weerarro dheeraad ah lala beegsan doono hey'adaha warbaahinta ee Nigeria iyo qaar kale oo caalami ah sida VOA iyo Radio France, kuwaasi oo ay sheegeen inay galeen dambiyo ka dhan ah islaamka.

Weerarka Khamiistii, oo ay ugu yaraan saddex qof ku hinteen ayaa ahaa kii ugu horreeyay laguq aao warbaahinta Nigeria, ee ay sameeyaan Boko Xaaraam.

Afar qof oo kale ayaa isla maalintaasi weerar kale lagu dilay xafiisyada wargeyska ee magaalada dhinaca waqooyi ee Kaduna.