Weerar is qarxin ah oo ka dhacay Pakistan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gobolka Bajaur ayaa ah meel ay ku dagaallamaan ciidanka Pakistan iyo Taliban

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo ka dhacay magaalo u dhaw soohdinta Afghanistan.

Saraakiisha waddanka Pakistan ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu ku yimid goobta qaraxu ka dhacay isaga oo lugeynaya.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob booliisku wax ku baaraan oo ku taal gobolka qabiilku ka taliyo ee Bajur.

Shan ka mid ah dadka dhintay waxaa ay ahaayeen xubno ka tirsan booliiska.

Taliban ayaa sheegtay weerarka oo lagu bartilmaameedsanayay sarkaal booliiska ka tirsan oo ay sheegeen inuu laayay Taliban badan, isla markaana qaar kale xirxiray.