Siyaasiyiin lagu xiray Hargeysa

Image caption Xabsiga magaalada Hargeysa

Ciidanka booliiska ee magaalada hargeysa ayaa xiray ilaa 10 qof oo siyaasiyiin ah oo ururadoodii ay ku hareen qiimeyntii guddiga ansixinta xisbiyada ee Somaliland.

Taliyaha ciidanka booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal Liibaan ayaa u xaqiijiyey wariyayaha BBC Ahmed Saciid Cige, in dadka la xiray ay ka mid tahay gabadha kaliya ee madax u noqota urur siyaasadeed oo fadhigiisu yahay somaliland, Fowziya Yusuf Xaaji Adan oo ururkeeda NDB uu ku jiray ururadii la diiday iyo hogaamiyayaal kale oo ka tirsan ururadii siyaasadda ee haray.

Sida la xaqiijiyey,siyaasiyiintan waxaa laga xiray barrtamaha magaalada Hargeysa oo ay doonayeen in ay ka qabanqaabinayeen banaanbax ay kaga soo horjeedaan go'aanka gudigu ku reebay ururadooda .