Cunaqabateyn la saarayo laba Sudan

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Sarkaal ka tirsan ciidanka Sudan

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu cunaqabateyn ku soo rogi doono Sudan iyo koonfurta Sudan ilaa ay ka joojinayaan dagaalka oo ay ku soo laabanayaan wada xaajood.

Golaha ayaa gudbiyay qaraar siinaya labada dal 48 saac inay ku joojiyaan colaadda iyo laba toddobaad oo ay ku bilaabaan wada hadal.

Dagaalka ayaa ka bilowday xuduuda labada dal kadib markii ay koonfurtu qabsatay goobta shidaalka laga soo saaro ee Heglig.

Sudan waxa ay sheegtay inay bilowday inay shidaal ka soo saarto halkaasi, kadib markii dhawaan ciidanka koonfurtu ka baxen.