Shir odayaasha dhaqanka uga furmay Muqdisho

Dugsiga Booliiska ee magaalada Muqdisho, waxaa ka bilaamay, Shir ay ka qayb galayaan odayaasha dhaqanka Soomaaliya oo soo-xulaya ergooyinka ansixin-doona dastuurka Cusub ee la diyaariyey.

Aagaga ku dhow Dugsiga Boopliiska ee uu Shirku ka dhacayo oo dhan, ayaa ammaankooda aad loo adkeeyey.

Xaafadaha Xamar-jajab iyo WaaBeri, ayaa waxaa la dhigay Ciidamo badan.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Abdullahi Goodax Barre, ayaa sheegay in shirkan uu hordhac u yahay shirar kale, oo odayaashu ay soo xulayaan ergada ansixin doonta dastuurka qabyada ah ee la diyaariyay.